Asalaamu Caleykum Wr/Wb. dhamaan asxaabta MtcGroups.
Maanta oo ku beegan maalintii 1aad
ee Bisha Barakeysan ee Ramadan,
ee Bisha Barakeysan ee Ramadan,
waxaa inoo bilaaban doona haddii Alle idmo. Barnaamij muhiim ah oo ku saabsan Bishan,
Barnaamijka Taxanaha Bisha Ramadan waxaynu marba ku eegi doonaa arrimaha laxidhiidha Soomka iyo axkaamtiisa, I.A.

Qeybta 1aad ee maanta waxaynu ku eegi doona yuu waajib ku yahay Soomka?
Kala Ogoow Cida ay waajibka ku tahay inay soomto
iyo cida aan soomayn dib haba ka qaleeyaane ama
wax ha bixiyaane: Wuxuu soomku waajib ku yahay ruux muslim ah
qaan gaadhay, caqli leh, oo dagan oo safar ku jirin. Ilmaha yar soomku waajib kuma aha ilaa uu ka
qaan gaadho. (laakiin waa wax fiican in ilmaha
soomka la baro intuusan qaan gaadhin ka hor oo
la soomiyo maalinba intuu hayn karo.) Ruuxa waalan soomku waajib kuma aha, ilaa intuu
ka miirsanayo. Ruuxa aadka u da’daa oo caqligiisu tagay, waxna
aan kala sooci karin soomku wajib kuma aha. Ruux kari waayay soomkii, rajona aan laga qabin
inuu hada ka dib karo oo soomo sida: ruux cudur
ku dhacay oo aan rajo laga qabin inuu ka bugsado
qofkaas soomku waajib kuma aha. (dadkanoo kale ruuxa da’daa iyo ruuxa cudurka
aan laga bugsoonayn qabaa waxay bixinayaan
iyagu raashin, raashinkaasoo ah ka la isticmaalo
sida bur, bariis. Qofka noocani maalin walba oo
Ramadaanta ka mid ah wuxuu quudinayaa miskiin,
miskiinkaana waxaa la siinayaa nus kiilo iyo 10 g oo raashin ah, ama intuu mar raashin wada kariyo
ha quudiyo 30 miskiin.) Haweenayda dhiiga caadada qabta ama dhiiga
dhalmada soomku waajib kuma aha, laakiin dib
bay ka soo qalaynasaa. Ruuxa safarkaa wuu afuri karaa oo markale qalayn
karaa, haduusan safarku dhib ku hayna wuu
soomi karaa. Haweenayda uurka leh ama nuujinasa way afuri
kartaa, oo dib ka soo qalayn kartaa. Ruuxa u afura naf badbaadinteed, ruuxa aysan
nafi badbaadayn ilaa uu afuro maahee ama ruuxa
qof biyo qaadeen oo kale badbaadinaya way u
banaantahay afuridu, oo dib buu ka soo qalayn karaa.

(Ramadan Kariim)
Lasoco Qeybta labaad. Haddii Alle idmo.
Alxm Alla ayaa mahad iska leh ee inaso gaarsiiyay bisha ramadan.
ReplyDeleteUstadh adna waad ku mahadsan tahay dedaalkaaga iyo sida ad nooga haqab tirto dhanka Diinta iyo dhanka Computerka iyo casharo kale