Arrimaha-Bulshada

Waa qeyb ka mid ah Buugga "Raaxada & Jiritaanka Qoyska"

Waa maxay Guur! Diinta Islaamkuse maxay ka tidhi? Allah kor ahaayee wuxuu yidhi “U guuriya xaaslaawaha idinka midka ah iyo
kuwa suuban oo adoomihiina ah (Rag iyo Haweenba) hadday sabool yihiin wuxuu ka hodmin Eebe fadligiisa, Eebana waa waasac fadligiisu wax walbana wuu ogyahay”. Rasuulka (Scw) wuxuu yidhi “Dhalin yarooy ciddii karta kharashka guurka ha guursato, isagaa isha laabid badan oo farjiga dhowrid badan, ciddii anan awoodin waxaa saaran soon si uu u fududaado himada”. Guurku waa Cibaado. waana hanasho gabar reer kale dhaleen inaad ku hantido sifo sharci ah oo waafaqsan shareecada Diinta Islaamka.sidoo kale waxaa ka mid ah hadafka Guurka in la helo ubad wanaagsan oo aad ku indho qabowsato iyo inaad kaga tagto aduunka farac wanaagsan oo Alla caabuda, iyo inuu ahaado aduunka mid sii jira.

No comments:

Post a Comment