Diinta

Qiso Cajiib ah oo Kusaabsan Khaatumada Wanaagsan

Wiil la oran jirey cizzudiin, wuxuu imaam iyo khadiib ka ahaa masjidka caa’isha, oo ku yaala dalka

urdun, wuxuuna dhameeyey jaamacada balqaa la yiraahdo oo ku taala dalkaasi, wanaag ayay dadka dhan ku barteen. haddaba maalin jimco ah, salaadii maqribka ayaa la addimay, ka dib salaada ayuu dadka kaga hormarey si uu imaam ugu noqdo, safafka ayuu isku hagaajiyey, ka dib salaada ayuu galay, isagoo aqrinaaya dhamaadka suuratu faatixa (صراط الذين أنعمت عليهم ) intuusan dhameyn ayuu jooga ka dhacay, naftana Wey ka baxdey, isagoo dukanaaya oo daahirsan jir ahaan, oo rabigiisa hor taagan. wuxuu ahaa qof dadka markasta ugu yeero dikriga ALLAAH (SWT) ILAAHEYNA nihaayadiisa (aakhirkiisa) wuxuu ka dhigay inuu adduunka si cisi iyo sharaf leh uu kaga tago oo uu ILAAHEEY ku irsaaqay khaatumo kheer leh. "Yaa Allaah khaatumada noo wanaaji aamiin"

No comments:

Post a Comment