Asalaamu Caleykum Waraxmatullah.
haddii Alla idmo qodobo aad u muhiim ah, kuna saabsan
horumarinta Nolosha aadanaha, innagoo marba dhinac ka eegi doono haddii Alle
ogolaado. Qeybta koowaad ee maanta kabogosha wacan.
Bani’aadamka Alle wuxuu siiyay Caqli iyo Maskax wuxuuna ka
fadilaay (ka kormariyay) Noolaha kasoo haray, sida Alle Quranka innoogu sheegay
Aayada ﴾70﴿ Surat Al-Isra. Haddaba waxaa loo
baahan yahay in laga shaqeysiiyo Caqligaas si waxtarkiisu loo gaadho,
Caqligu wuxuu la midyahay beer, mar walba oo aan ka
shaqeysiinno oo aynu inbadan fikirno waxay uga dhigantahay waraabin taas oo
sababeyso in uu caqligu kobco meelo fogfogna laaco. marka aan iska joogno oo
aynu waxba isku dayin waxuu la mid yahay beerta aan la waraabin ee iska qalasho
kadibna baaba’do. qofna hormar ma gaari karo isagoon
Isku dayin in uu sameeyo wax ula muuqdo in ay ku adagyihiin.
dadka nolosha ku fashilmo waxay u qeybsamaan labo, kuwo fikiro laakiin aan
ficil u badalin wixii ay ku fikireen iyaga oo isleh macquul ma ahan sidaan,
amaa la idin la yaabaa; oo la idinku qoslaa waxaan haddii aad dadka la
hortagtaan. kuwa kale waa kuwo aan fikirin waligood laakiin wax sameeyo, wey
ordaan afar iyo labaatan saac, ma nastaan. mar un baad maqleysaa habel wey
kadaba timid, ganacsigiisi wuu is toogtay. waligiis wuu ordaayay laakiin marna
isma oran qorsho degso midka koowaad haddii aad ku fashilanto aad midka labaad
u
gudubto ilaa kan ugu danbeeyo. qofka sidaa qorshe u degsado
rabbigiisna la kaashado
Waligiis ma fashilmo. isla soco ha iska socone. Guul darrada
koowaad waa shidaalka guushaada. Guuleystuhu wuxuu had iyo goor ka fikiraa waxa
xal noqon karo halka midka faashilmay ka werwero dhibka dhacay. Guuleystuhu ma
dhamaadaan afkaartiisu halka faashilmuhu aysan dhammaan cudur daarkiisa.
Guuleystuhu waa kan mar walba caawiyo oo gacansiiyo u ixsaan falo dadka kale
halka faashilmuhu uu mar walba fisho in la gacan qabto, loo gurmado.
Guuleystuhu wuxuu aaminsanyahay in dhib iyo caqabad walba xal leedahay, halka
fashilmuhu xal walba u arko dhib. Guuleystuhu wuxuu yiraahdaa xalku wuu
adagyahay laakiin waa macquul in la gaaro
Halka faashilmuhu uu ka yiraahdo xalku waa macquul laakiin
way adagyahay in lagaaro.
Lasoco Qeybta labaad I.A
Masha allah waa qormo qiima badan.
ReplyDeleteIlaahey nagama dhigo kuwa naxariistiisa ka quusta
Amiin