Goorma Ayaa Lala Imaanayaa Soonka Niyeysashadiisa?
sida Ramadaanka,
soonkakafaara gudka iyo midka la nadray (la sharday,
sida iyadoo la yiraahdo Ilaaheeyoow haddiii aad
I caafido maalin ayaan soomayaa, iwm). Waxaa ku wajib ah qofka
soomaya inuu soonka niyaysto, inta u dhexaysa
marka qorraxdu dhacdo iyo marka waagu
baryayo, inta u dhexaysa labadaa waqti haddii uu
soonka niyaysto soonkiisu wuxuu noqonayaa mid
sax ah. Haddii uu si ula kac ah uga tagana soonkiisu ansixi
mayo, sida uu Rasuulkuba SCW u yiri: “Qofkii niyada
soonka aan soo go’aansan, oo aan soo sugin waa
bariga ka hor, soon uma jiro”. Waxaa wariyey
Tarmiidi, Abu Da’uud, Wanisaa, iyo Daaramiye oo
uu ku wariyey kitaabkiisa Isnaadu Saxiix. Laakiin qofkii niyada habeenkii hilmaama ee
subaxdii xasuusta, amaba aan ogayn in bishii
soonku dhalatay, ee ka dib markuu wax cunay
ama cabay ogaada in ay Ramadaan tahay, waxaa
laga rabaa in isla marka uu xasuusto ama ogaado
uu niyada la yimaado, soonkiisana halkaa ka siiwato, wax qallo ahna lagama rabo, dhibna ka
soo gaari mayo hilmaankaa ama ogaan la’aantaa,
sababtoo ah Rasuulka SCW ayaa wuxuu yiri:
“Ilaaheey wuxuu ummaddayda ka daayey oo ka
dejiyey wixii ay ku gefaan, wixii ay hilmaamaan,
iyo wixii lagu qasbaba”. Waxaa wariyey Ibnu Maajix, iyo sh. Albaani oo uu ku wariyey kitaabkiisa
Irwaa. Qofkii soonka u suxuurtaana wuxuu la mid yahay
qof niyadii la yimid, sababtoo ah qofkaasi wuxuu u
suxuurtay inuu Alle ugu dhowaado iyo inuu
awood u yeesho soonka, maadaama uu sidaa
awgeed u suxuurtayna waxaa laga helay
ulajeedkii la rabey, oo ahaa in soonku uu noqdo mid Alle loola jeedo, uuna ka soocmo cunta iska
joojinta, iwm. Niyadu waa shaqo qalbigu qabto oo aan dadku
daalacan karin, sidaa awgeedna marka lala
imaanayo afka looga dhawaaqi mayo, korna loo
qaadi mayo niyaysiga, sida dadka qaarkoodba ay
sameeyaan, oo marka salaadda Maqrib la tukado
ka dib ayaa meelaha qaarkood waxaa ka dhici jirtay ogaanteey in imaamka lagu yiraahdo noo xir
soonka, dabadeedna markaa ayuu u meerin jiray,
iyadoo iyaguna ay ka daba meersanayaan, soonka
iyo cibaadooyinka kalena wasy ka siman yihiin in
aan waxa la niyaysanayo afka looga dhawaaqayn,
sidan horay u soo xusnayba. Waxaan Kuu Dardaarmayaa Ku Dhaqanka
Diinta Islaamka oo ah Jidka Badbaadada Aduun
iyo Aakhiro
Lasoco Qeybta 3aad
(RAMADAN KARIIM).
No comments:
Post a Comment