Qiso cajiib ah oo dhex martay boqor iyo laba nin oo addoomo u
ahaa boqor ayaa maalin soo iibsaday labo nin oo addoomo ah, mid ayaa aad u
qurux badnaa midka
kalena wuu fool xumaa. kadib markii ay qasrigiisa yimaadeen
ayuu kii quruxda badnaa u diray qubays. intuu ku maqnaa ayuu ku jeestay kii
foosha xumaa, kuna yidhi: saaxiibkaa wuxuu ii sheegay inaad nin xun oo tuug ah
tahay ee ma runbaa? adoonkii ayaa ku jawaabay: boqorow, ninkaa saaxiibkay ah
waa nin aad u qurux badan, u malayn maayo inuu qalbigiisa madow yahay oo
waxaasi ku jiraan, balse haddii uu xumaan igu sheegay laga yaabo inaan aniga
xumahay. asaga ayaa xun dhihi maayo. kii qubayska ku maqnaa ayaa imaaday, kii
foosha xumaa ayaana badalay oo qubeys aaday. intuu maqnaa ayuu boqorkii yidhi:
saaxiibkaa wuxuu ii sheegay inaad nin xuntahay, oo walina aad tuug tahay ee
maxaa ka jiro? ninkii ayaa qaylo ku dhuftay isaga oo caay ooda uga qaaday
saaxiibkiis, kuna tilmaamay xumaan dhamanteed boqorkii ayaa ogaaday dabciga iyo
akhlaaqda labada nin, gartayna quruxda inay tahay mida qalbiga aysan ahayn mida
muuqata. markii kii foosha xumaa la waydiiyay inay run tahay inuu nin xun yahay
maadaamo saaxiibkaas saas sheegay, wuu diiday inuu eedeeyo saaxiibkii, asaga
ayaana xumaan isku tilmaamay. balse markii kii quruxda badnaa xuman laga
sheegay, lawaydiiyayna inay jirto xumaantaas, asaga oon hubsan ayuu eedayn
dusha ka saaray saaxiibkii. boqorkii ayaa amaanay ninkii foosha xumaa, xoriyadna
siiyay, halka kii kale laga caanantay, adoon-nimana lagu sii haayay. (wanaag
iyo qurux mida muuqato ama afka laga sheego midna ma aha).
Haddaba qisadan maxaynu ka faa’iideynaa? Jawaabtu waa
akhristayaasha!!!
No comments:
Post a Comment